Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo
Mareeg.com: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa manta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa Baydhabo ku soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Baay, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu magaalada Baydhabo kulamo kula leeyahay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo odoyaasha dhaqanka.
Kulamada ayaa loo taageeri lahaa maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Mareeg Media
Comments are closed.