Jawaari iyo safiiro ka wada hadlay hirgelinta Higsiga cusub “Sawirro”

Mareeg.com: Gudoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” uu maanta kulamo la safiiradda Soomaaliya u fadhiya qaar kamid ah dalalka iyo hay’adaha Caalamka.

Safiirrada uu Prof. Jawaari la kulmay ayaa waxaa ka mid ah danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdisho, Dayib Dubbad Rooble, safiirada Sweden, Switzerland iyo Eregayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholos Kay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo safiirada ayaa ka wada hadlay sidii dalalkaas ay gacan uga gaysan lahayeen hirgalinta hiigsiga 2016.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha horyaala Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana looga fadhiyo in ay ku qabtaan Kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka oo dhowaan lagu wadao in uu furmo.

Mareeg Media