Jawaari iyo safiirka Turkiga oo ku kulmay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari iyo safiirka Turkiga oo ku kulmay Muqdisho

Mareeg.com: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Olgen Baker.

Jawai iyo Baker

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalle Cawad iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa looga wadah hadlay arimo ku quseeya xiriirka labada dalka Soomaaliya iyo Turkiga iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Turkigu uu ka wado Soomaaliya.

Mahad Cabdalla Cawad oo kulan ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu warbixin ka siiyay howlaha adag ee golaha shacabka Soomaaliya ay ku guda jiraan isla markaana bishan gudaheeda uu furmi doono Kalfadhiga 6 aad ee goalaha shacabka.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa safiirka Turkiga ka lahadlay dib u dhiska dowladda Turkiga ay ku sameyn doonto xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, ayagoo isla soo qaaday heshiis kalhore dhex maray labada Baarlamaanka kaas oo ku saabsanaa wada shaqeyn iyo Iskaashi.

“Waxaa safaaradda Turkiga laga codsaday in ay kor u qaado arimaha dib u eegista Dastuurka arimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya arimaha amniga qaranka wuxu gudoomiyuhu ku booriyay in gacan la siiyo hay’adaha fulinta sababtoo ah Baarlamaanka waxaa uu kala xisaabtamaa wixii wax qabad ah iyo wixii dhaliil ah” ayuu yiri Mahad Cabdalle.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Olgen Baker ayaa dhankiisa balan qaaday in arimaha uu maanta kala hadlay Afahayeenka Baarlamaanka Soomaaliya uu gaarsiin doono dowladiisa.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ka wada mashaariic horumarineed iyo kuwo gargaar oo ay ku caawinayso dadka danta yare e Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!