Jawaari: Gacanta dowladda hallagu soo celiyo furaha taleefoonnada Soomaaliya ee 252 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari: Gacanta dowladda hallagu soo celiyo furaha taleefoonnada Soomaaliya ee 252

Mareeg.com: Afhayeenka Golaha Barlamaanka Sooamaliya, Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan-howleed uu la yeeshay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha xukuumada ka dalbaday iney gacanta dowlada dib ugu soo celiyaan  furaha Tafeefoonnada dalka ee aha 252, oo ah hanti qaranka Soomaaliyeed leeyahay.

“Lambarka furaha Soomaaliya loo yaqaano 252 wa inuu  gacanteena kusoo noqoto, ha noqoto 2 bil, ha noqoto 5 bil, waa in hadda la bilaabaa, howshiisa hadii ay socoto in la sii dadajiyo” ayuu Jawaari.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa amaan ballaaran u soo jeeydiyay shirkadaha ganacsiga taleefanada iney shaqo weyn  qabteen, islamarkana horumarka dalka qeyb weyn ka qaateen, isagoo ka dalbay iney bixiyaan cashuurta dalka si hormarka iyo dhismaha dalka logu hormariyo.

“Milkiiliyasha shirkada laftigooda  waxaan aaminsan ahay iney yihiin dad aqoon leh, muslimiin ah, ku leh xaq qof kasta waa inuu bixiyaa waxa xaqa loogu leeyahay,  haddii ay rabaan iney hantidoodu u barakowdo waxa aan ka raadineyno aan leenahay iska bixiya, canshuurtaasi kalmada canshuur Af-Soomaali waa dhaqan-dhowrto, haddi la bixiyo dhaqan dhowrtadaasi la bixiyo xoolahooda xalaal iyo barako ayuu u yelanayaa”, sidaa waxaa yiri Prof. Jawaari.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha  golaha baarlamaanka fedaralka Soomaaliya, Maxmad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo u soo  jeeydiyay golaha fulinta ee xukuumada Soomaaliya in ay wacyi gilin joogta ah u sameeyaan  milkiilayasha shirkadda si ay canshuurta u bixiyaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More