Jawaari: Berri ayuu furmayaa shirka dib u sheehiisiinta Koonfur Galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari: Berri ayuu furmayaa shirka dib u sheehiisiinta Koonfur Galbeed

13-08-2014: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo ku sugnaa maalmahan ayaa faah faahin ka bixiyey shirka dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed oo maalinnimada berrito ah ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “Shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka gobollada Koonfur Galbeed haduu Alle idmo si rasmi ah ayuu u furmi doonaa maalinnimada berrito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14ka September-2014,waxaa shirka ka qeybgali doona ergo ka kala socota gobolladan oo hada Baydhabo ku sugan,Ajandaha ugu horeeyana waa in dib u heshiisiin ballaaran,is cafin iyo isku calool fayoobi ay gaaraan guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed”.

Shir weynaha dib u heshiisiinta Shacabka gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah oo ka bilaabineysa maalinnimada berrito ah ayaa wejigiisa Koobaad waxa uu ku saabsan yahay Dib u heshiisiin guud,is cafin, wejiga Labaad ee shirkana waxa uu noqonayaa in la mideeyo aragtiyooyinka kala duwan ee ku saabsan dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga Seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMGka koonfur Galbeed.

“Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed waxaa kasoo qeybgalaya berri hadii uu Alle idmo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale waxaana qabashada shirkan aragti mideysan kusoo dhaweeyey maanta Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Shirkaan oo uu horay u shaaciyey gudoomiye Jawaari waxaa kasoo horjeestay kooxda uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed, waxeyna sheegeen in kulamadii ay la yeesheen Prof. Jawaari ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, ayna xitaa ay ka hor imaan doonaan in R/wasaare C/weli Sheekh uu tago Baydhabo.

“Natiijo la’aan ayay ku dhammaaday kulan aan la yeennanay Prof. Jawaari kuwaasoo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo, mana garanayno shirka dib u heshiisiinta ah cidda ka qaybgalaysa ama loo qabanayo,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Idiriis oo ka mid ah xubnahasheegta maamulka lixda gobol.

“Shirka dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka yaa loo qabanayaa? waayo innagu waxaan caddeyneynaa in kulammadii ka dhacay Baydhabo ay guul-darreysteen.” Ayuu sidoo kale yiri C/llaahi Maxamed Idiriis.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!