
Muqdisho (Mareeg News ) Guddoomiyihii Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo ku tilmaamay in aanay waafaqsaneyn sharciga, waxaa uu sheegay inuu sii wadanayo howlihiisa iyo waajibaadka saaran.
Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya kadib markii bayaan kasoo baxay Madaxweyne farmaajo lagu sheegay in xilkii gudoomiyenimo laga qaaday Ibraahim iidle suleymaan.
falcelintan diidmada ah ayaa keeneeysa iska hor imaad hor leh oo dhex mara laanta Fulinta iyo laanta garsoorka oo ah laba hey’adood oo uu dastuurka kala madxbaneeyay.
Dhanka kale go’aanka madaxeeeyna ayaa ah mid jibiyay qodobo dastuuri ah sida ay sheegeen Sharci yaaqaanada, maadaama xilkaqaadista Gudoomiyaha maxkamada sare u baahantahy soo jeedinta golaha adeega garsoorka .