Jarmalka Oo Tababarayaal Milateri U Diraya Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jarmalka Oo Tababarayaal Milateri U Diraya Soomaaliya

Berlin – Mareeg.com: Dowladda Jarmalka ayaa go’aan ku gaartay iney tabarayaal milateri u dirto dalka Soomaaliya si ay qeyb uga qaataan dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, waxaana la filayaa in xubno ka tirsan koox tababareyaal Jarmal ah ay dhowaan gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Jarmalka ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay ciidamo u diraan Soomaaliya, isla markaana ay billaabeen diyaar-garowga arrintaas.

Kooxaha mucaaradka ku ah xukuumadda haatan heysa talada dalka Jarmalka ayaa ka carooday go’aanka dowladda, waxeyna sheegeen in arrintaas aysan aheyn mid sax ah.

Bishii May ee sanadkii 2013 ayuu Midowga Yurub isku raacay in tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu qaban jiray dalka Uganda loo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u tababaray seddex kun oo askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo rag saraakiil ah tan iyo sanadkii 2010.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!