Japn Oo Qalab Xafiiseed Siisay Booliska Soomaaliya (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Booliska Soomaaliya ayaa maanta qalab xafiiseed ka helay dowladda Japan, iyadoo deeqdaas uu taliska boolsika ku wareejiyey danjiraha Japan u qaabilsan Soomaaliya Tasushi Taradi.

Wafdi uu horkacayey safiirka Japan u jooga Soomaaliya Tasushi Taradi, islamarkaana uu qayb ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Yunazawi Atsushi, ayaa xarunta dhexe ee booliska Soomaaliya waxay kulan kula qaateen taliyaha guud ee booliska C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid, Safiirka Japan Tasushi Taradi iyo ku-xigeenka Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midooday u qaabilsan Soomaaliya Yunazawa Atsushi.

Safiirka Dowlada Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Japan ay siiwadi doonto taageerada ay siinayso Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkaan ay Taliska ku wareejiyeen uu yahay qalab xafiiseed.

Sidoo kale ku-xigeenka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Yunazawa oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay shaqo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah ay qabteen, islamarkaana Qaramada Midoobay ay gacan weyn ka qaadan doonto xoojinta Nabadda Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid ayaa u mahad celiyay Dowladda Japan taageerada ay siinayso ciidanka Booliska Soomaaliya, isaga oo tilmaamay ahmiyadda qalab xafiiseedkan uu u leeyahay qalabeynta xarumaha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Qalab xafiiseedkan oo 5 Konteenar ah ayaa waxaa uu wax weyn ka bedeli doonaa qalabayenta xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyada oo Dowlada Japan ay kamid tahay Dowladaha taageerada siisa Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa horay booliska Soomnaaliya u siisay in ka badan 20 gaadiid kala duwan ah, kuwaasoo haataan uu ku howlgalo booliska ku sugan Muqdisho iyo Marko iyo Jowhar.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245