Japan oo $40 Milyan dollar u ballanqaaday Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Japan oo $40 Milyan dollar u ballanqaaday Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Japan ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe oo ballanqaaday in dalkiisu Soomaaliya ku taaageerayo mayaaliin dollar.

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta  Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud  Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Ka dib kulan labo dhinac ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal ayaa si wada-jir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan  bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million) “Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Japan sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Dowladda Japan in laga saacido Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalka sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa hooygiisa oo ku yaala dhismaha Xafiiskiisa casho sharaf caawa ugu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!