Jan Eliasson Oo Ka Digay Hakadka Howlgalka Amisom Iyo Tababarada Alshabaab

Read Time:1 Minute, 28 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson ayaa ka digay in dhabar jab ku dhaco dadaallada nabadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Alshabaab ku guda jiraan tababar ay siinayaan dhallinayro horleh.

Jan Eliasson oo 26-kii bishan booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya, islamarkaana hadal ka jeediyey shir xalay Golahaha Amaanku ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Alshabaab halis weyn ku hayaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson ayaa ka digay in ciidamada Midowga Afrika aysan awood u laheyn iney isku fidiyaan deegaanada aan weli gacanta usoo gelin ee ka baxsan magaalooyinkaas, wuxuuna xusay in Alshabaab awood u leeyihiin iney weeraro ka geystaan Muqdisho iyo Kismaayo.

Jan Eliasson ayaa sidoo kale Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in Alshabaab weli askareynayaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo baagamuudo ah, islamarkaana u baahan fursado shaqo, taasina keeneyso iney bataan weerarada ay geysnayaan ee la mid noqon kara kii Westgate ee Magaalada Nairobi.

“Madaxa howlgalka AMISOM ayaa ii sheegay in ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya aysan awood u laheyn iney isku sii fidiyaan deegaano ka baxsan kuwii ay Alshabaab ka saareen, taasoo xaalada isbedel aan fiicneyn ku sameyn karta” ayuu yiri Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson.

Wuxuu sheegay Jan Eliasson in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibadoodu ay doonayaan nabad iyo midnimo, balse wuxuu xusay iney jiraan waxyaabo kale oo walaac abuuraya.

Jan Eliasson ayaa ka digay hakadka bilihii lasoo dhaafay uu galay howlgalka ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo taaa badelkeeda Alshabaab tababaranayaan dhallinyaro farabadan sida uu yiri.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo dhawaan booqasho ku yimid dalka Soomaaliya ayaa jeediyey hadalkaas kadib markii uu ku laabtay xarrunta UN-ka ee New Yourk.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %