James Swan oo ku wajahan Kismaayo & Xog kasoo baxeysa safarkiisa

Read Time:38 Second

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la filayaa in Maanta ay tagaan Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Xubnahaan ayaa waxaa ay Kismaayo u tagayaan sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay qabaan xubnaha mucaaradsan Mamulka Madaxweyne Axmed Madoobe,kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweynaha Jubbaland,Xubnaha Mucaaradka oo uu hadda Kismaayo ka joogo Xildhibaan Xiidg iyo Xubnaha kale si la isugu soo dhaweeyo.

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland oo xaqiijinaya amniga magaaladaasi.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.