James Swan oo Goordhow ka gaaray Magaalada Dhuusamareeb iyo kulan…

Read Time:54 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ayaa James Swan iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale, waxaana loo gadbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Kaariye Qoorqoor ayaa xiligaan kulan la leh Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoona ka wada hadla xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo ku aadan Galmudug.

Sidoo kale labada dhinac ayaa sigaar ah diirada kulankooda ugu saari doona qaabka lagu xalin karo ah khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa 2021, isla markaana shir la isugu keeni lahaa dhinacyada isku haaya doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne Qoorqoor ka xog-wareysan doona xaaladda guud ee deegaanada maamulkaas iyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo halkaas.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.