Jamciyada SOHEDA oo soo dhoweyn u sameysay Xildhibaanka xildhibaanada Qaranka Mudane Yusuf Xeyle Jimale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jamciyada SOHEDA oo soo dhoweyn u sameysay Xildhibaanka xildhibaanada Qaranka Mudane Yusuf Xeyle Jimale

Muqdisho, 28 November 2016 – Jamciyada SOHEYDA ayaa maanta magaalada Muqdisho u dhigay xaflad soo dhoweyn ah Xildhibaanka xildhibaanada Qaranka Mudane Yusuf Xeyle Jimale oo dib loo soo doortay inuu ka mid noqdo xildhibaanada Qaranka ee 2016 – 2020ka.

Xildhibaan Yusuf Xeyle ayaa mudadii uu xildhibaanka ahaa aasaasay Jamciyada SOHEYDA oo ah urur samafal u istaagay in caruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aan waxba heysan uu u gurmaday isla markaana ay maanta carruur gaareysa kun iyo boqol iyo tobon iyo sagaal (1119) oo caruur ah uu u fidiyey waxbarasho lacag la’aan ah, hoy iyo weliba isagoo qoysaska ardeydaas biila kana bixiya kharashaadka waxbarasho, dharka Iskuulka iyo buugaagta intaba.

Xildhibaan Yusuf Xeyle ayaa ah xildhibaanka keliya ee fahmay xilka uu hayo ee ah inuu shacabka Soomaaliyeed u adeego. Fikirkan markii uu curinayey dad badan baa lahaa kama guul gaareysid ee iska daa, hase yeeshee in muddo ah buu u soo dhabar adeyga oo maanta ay Jamciyada SOHEDA oo muddo 2 sano iyo 8 bilood jirsatay ay xanaaneyso caruur gaareysa 1119 oo helay fursad waxbarasho. Xildhibaan Yusuf Xeyle ayaa ku guuleystay inuu dhiso mustaqbalka caruurta aan waxba heysan ee laga tiro badan yahay.

Xaflada maanta oo lagu dhigay hoolka xafladaha ee Jamciyadda SOHEDA oo ay ku soo dhaweeynaayeen (1119) arday oo uu Xildhibaan Yusuf Xeyle badbaadiyay mustaqbalkooda waxbarasho. Ardeydaan ayaa aad ugu farxay in Xildhibaan Yusuf Xeyle Jimale oo markale dib ugu soo laabtay xildhibaanimadiisa iyadoo ay ardaydaasi aad ugu farxeen una duceyeen in uu soo laabtay marlabaad una rajeeyey inuu mar-sedexaadna soo laabto. Xildhibaan Yusuf Xeyle ayaa u ballanqaaday carruurta inuu sii labo jibaari doono dadaalkiisa, isla markaasna u mahadceliyey dhammaan shaqsiyaadkii iyo hay’adihii gacanta ka geystay in caruurtaan ay helaan mustaqbal wanaagsan.

Faahfaahin SOHEDA
SOHEDA waa jimciyad ka shaqaysa waxbarashada iyo hormarinta bulshada. Waxana ay si gaar ah u bartilmaameedsataa bulshada aadka u liidata ee la kulanta dhibaatooyinka gaarka ah sida takoorka haybta ku dhisan, saboolnimada iyo arrimaha kale ee dadkaas ka sooci kara qaybaha kale ee bulshada.

Jimciyaddan waxa ay ka shaqaysaa sidii fursado waxbarasho iyo daryeel nololeed loo siin lahaa caruurta kasoo jeedda bulshadaas la takooro, si ay taas u ogolaato in bulshadaas loo suurtagaliyo riyooyin laga yaabo in aanay xaqiijintooda marnaba horay ugu tala galin, sida in ay caruurtoodu helaan dhammaan heerarka waxbarashada oo markaas ka dibna wax ula qaybsadaan asaagooda, iyaga oo naftooda iyo qoysaskoodaba u hubin kara nolol horumarsan.xeyle

xeyle0

xeyle2

xeyle11

DHAMAAD

Waxii faahfaahin ah la soo xiriir
Magaca: Axmed Abuukar Maxamed
Xilka: Xog-hayaha Guud

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!