Jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyey

Read Time:29 Second

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka kooban 13 Xubnood ayaa Maanta waxaa ay soo saareen Jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga ayaa Maanta waxaa ay doorteen guddoomiye iyo kuxigeenkiisa,iyaga oo isla Maanta soo saarey jadwalka doorashada Madaxweynaah iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Qoraal kasoo baxey guddiga ayaa lagu shaaciyey in 24 ilaa 25 ay qabsoomi doono diiwaangelinta musharixiinta,halka 26 ilaa 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga ayaa ugu dambeyn sheegay in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ay dhaceyso 30-ka Bishaan Janaayo ee sanadkaan 2020.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %