K. Afrika: Jacob Zuma oo ka hadlay weerarka Ajaanibta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

K. Afrika: Jacob Zuma oo ka hadlay weerarka Ajaanibta

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa booqday xero qaxooti oo ay ku jiraan in ka badan 1000 shaqaale ajaaniib ah oo soo cararay, kaddib markii ay dhaceen rabshado mowjada ah oo looga soo horjeedo ajaaniibta.

Waxa uu raali galin ka bixiyay weerarada, kuwaas oo bilowday laba sibuuc ka hor, waloow ay ku ooriyeen dad kale oo halkaa joogay, iyaga oo ku eedeeynaya in uu ka gaabiyay sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay rabshadahan, oo ay sababeen kooxo hubaysan oo bartilmaameedsanayay dukaamada ay leeyihiin dadka ajaaniibta ah, waxaana dadka deegaanka ay ku eedeeyeen ajaaniibta in ay la wareegayaan shaqooyinkoodii.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu yaqaanaa in sanad kasta dhibaatooyin loogu geystoi dadka ajaanibta ah ee halkaas ka xoogsada oo ay Somaalidu ku jiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!