Jabuuti: Sanad guuradii 35-aad ee Xisbiga talada haya ee RPP oo loo dabaaldegay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jabuuti: Sanad guuradii 35-aad ee Xisbiga talada haya ee RPP oo loo dabaaldegay

Jabuuti – Mareeg.com: Xisbiga Isutaga iyo Horumarka Shacabka Jabuuti ee RPP ahna xisbiga talada Jamhuuriyadda Jabuuti haya ayaa 35 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asay si ballaadhan ugu debaal degay.

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana sanad guuradan lagu maamuusayey ayaa ka dhacday xarunta Gobolka Galbeedka Dalka Jabuuti ee Dikhil, xafladan ayaa waxa ay kulmisay dhamaan masuuliyiinta qaybaheeda kala duwan ee Dalka Jabuuti, wakiilada dalalka Dibedda u jooga Dalka Jabuuti.

Waxa Goobta munaasibadaasi ka dhacday khudbad dheer ka jeediyey Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ahna Gudoomiyaha Xisbiga Isutaga iyo Horumarka shacabka Dalka Jabuuti ee RPP, khudbadaasi oo uu ku jeex jeexay mar xaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Xisbigan RPP.

Ugu horayn Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu halkaasi uga duceeyay oo uu faataxada uga maray dadkii iyaga qaybta laxaadka leh ka soo qaatay asaaska Xisbigan sida Madaxwaynihii hore ee Jabuuti Alle ha u Naxariistee Xasan Guuleed Abti Doon, oo uu ku sifeeyay Madaxwayne Geelle in ay ahaayeen kuwo juhdi iyo dadaal badan ku bixiyey dadka iyo dalka Jabuuti sidii uu u noqon lahaa qaran xor ah taasina maanta ay tahay madax banaanida iyo dawladdnimada ay ku naaloonayaan.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale oo uu sheegay in magalada Dikhil ay tahay magaalo baal dahaba kaga taalada  taariikhada xisbiga RPP oo ah bartii lagu unkay sanadkii 1979-kii halkaasi oo rag kooban sida uu sheegay oo uu hogaaminayey Xasan Guuleed Abti Doon ay ku asaseen,waxa uu sheegay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle in u jeedada iyo yoolka laga lahaa xisbigan RPP uu ahaa in uu dalka ka saaro xaladihii qalafsanaa ee uu markaasi ku jiray dalku,wakhtigaasi oo ahaa xilligii gumaystaha la dirirka,waxa uu sheegay in yoolkii wakhtigaasi xisbigu uu hiigsanayey laga midho dhaliyey,walina ay cagta hayaan dhabada horumarka iyo isku duubnida umadda reer jabuuti.

Mar uu ka hadlayey dhinaca xisbiyada mucaaridka waxa uu Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ku sifeeyay kuwo sharwadayaal ah oo shaydaamo ah sida uu hadalka u dhigay,kuwaasi oo dagaal iyo xoog wax ku doonaya,oo anay waxba ka jirin hadalada ay u soo jeediyaan xukuumaddiisa,waxa uu intaasi ku daray in ay haatan heshiiyeen dhawr xisbi oo ka mid ahaa mucaaridka hadana ay ku soo biireen bahwaynta Xisbiga RPP,balse waxa uu hoosta ka xariiqay in markastaba uu mudanyihiin dadka ku abtirsada xisbiga RPP ee mudada dheer ku soo jiray.

Dhinaca kalena waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo ka soo shasiyaad aad u tiro badan oo ku hadlayey afka qaybaha kala duwan ee xisbigaasi,sida Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga RPP ahna Raysal Wasaaraha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Maxamed Kaamil oo dhamaantood soo bandhigay guulaha iyo horumarka la taaban karo ee uu xisbigani dalka Jamhuuriyadda Jabuuti gaadhsiiyey mudadii 35 ahayd ee uu soo xukumayey,qorsheyaashiisa mustaqbalka dhaw iyo midka fog ee xukuumada Xisbigan ka dhalatay ee uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Isha: Ramaas News

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!