Jabuuti oo Eritrea ku eedeysay iney kusoo deysay calooshood u shaqeystayaal

Read Time:39 Second

Mareeg.com: Dowladda Jabuuti ayaa ku eedeysay dalka deriska la ah ee Eritrea inuu adeegsanayo calooshood u shaqeystayaal qalqal gelinaya amaanka Jabuuti.

Sida uu qoray Warsidaha World Bulletin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Hassan Omar Mohamed ayaa sheegay in kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo u adeega dowladda Eritrea ay woqooyiga Jabuuti ku qalqali geliyaan dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxahani dadka reer Jabuuti ee ku nool xadka labada dal ay ka boobaan raashinka, dawada iyo kaalmada mararka ay helaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Hassan Omar Mohamed ayaa sidoo kale ku eedeeyay kooxahaas hubeysan iney xoog ku afduubtaan dadka reer Miyiga ah ee Jabuuti, ulana gudbaan dhanka Eritrea.

Hassan Omar Mohamed ayaa sheegay in dowladda Jabuuti aysan aqbali doonin kharbudaadda kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ka sameeyaan woqooyiga Jabuuti.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.