Jabuuti, Mareeg.com: Jamhuurioyadda Jabuuti ayaa shaacisay in ay ciidamo dheeraad ah oo qayb ka noqon doona kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM u soo dirayso Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramayay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in guuto ciidan ah oo ka socda dalkiisa ay saddexda toddobaad ee soo socota ku biiri doonaan ciidankii horay Jabuuti uga joogay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tallaabadaas ku tilmaamay in ay qayb ka tahay dadaalladda ay iska kaashanayaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ee lugu doonayo in Al-Shabaab looga qabsado degmada Buula-barde ee gobolka Hiiraan iyo deegaanno kale.
Ilaa 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa horay ugu sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sidoo kale ciidamo tiro yar oo Jabuutiyaan ah ayaa ku sugan Muqdisho, iyadoo Afhayeenka Amisom Col. Cali Aadan Xumud uu yahay nin reer Jabuuti ah.
Jabuuti oo ciidamadeed Soomaaliya usoo dirtay sanadkii 2012 waxey horay u sheegtay in howlgalka ay ka hayaan Baledweyne ay uga geeriyoodeen ilaa 3 askari oo labo ka mid ah qaraxyo kala duwan ku dhinteen, halka kan sadaxaad ku geeriyooday dagaal ay la galeen Alshabaab.
Golaha Amaanka ee Qarama Midoobay ayaa dhawaan ansxiyey ilaa 4,000 oo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, iyadoo la sheegay iney ciidamadaas ka kala imaanayaan dalalkii horay ciidamada ugu diray Soomaaliya iyo Itoobiya ku biireysa AMISOM.
Mareeg.com