Jabuuti: Kulan dhexmaray Madaxweyne Geelle iyo R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Kulan ayaa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti ku dhexmaray madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeeka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Kualnka waxaa dhanka Jabuuti ka joogay Ra’iisul Wasaare C/qaadir Kaamil Maxamed, halka dhanka Soomaaliya ay joogeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladaha labada dal iyo xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhaxeeya.

Maxamed Cumar Carte ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyay dadaalkiisa uu had iyo jeer taageerada hagar la’aaneed uu la garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in bulshada Soomaaliyeed aysan marnaba hilmaameyn garab istaagaas.

R/wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte ayaan dalka Soomaaliya, dib ugu soo laaban tan iyo markii uu ku dhaawacmay qaraxii Hotel Central ee dhacay 20-kii bishii Febaraayo ee sanadkan 2015.

Maxamed Cumar Carte ayaa loo qaaday dalka Turkiga, si halkaas loogu soo daweeyo, wuxuuna markii uu caafimaaday la kulmay qaar ka mid ah madaxda Turkiga.

geelle-carte (1)geelle-carte (2)
geelle-carte (4)geelle-carte (5)

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.