Categories
Af Soomaali

Jabuuti Iyo Somaliland oo ku Tartamaya Dhoofinta Nuuc kamid ah wax soo saarka Itoobiya.

Hargeysa ( mareeg news ) Dowlada jabuuti iyo maamulka somaliland ayaa tar tan adag u galaya sidii ay u heli lahaayeen dhoofinta nuuc kamid ah wax soosaarka dowlada Itoobiya .

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland jaamac maxamuud cigaal ayaa sheegay in codsi ay u direen dowlada itoobiya kaas oo ah in dhuumaha qaada shidaalka laga helay gobolka somalida itoobiya laga dhoofiyo magaalada Berbera halkii laga dhoofin lahaa Dakada dalka jabuuti.

Wasiir jaamac oo la hadalay Wargeeyska Beloombreg ayaa u sheegay in somalinad ay diyaar u tahay in dakada heeda ka dhoofiso shidaalka ceyriin iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay dhulka somalida ee itoobiya xooga ku heeysato.

Jaamax ayaa sheegay in Masaafada ay isku jiran halka shidaalka laga helay iyo maamulka somalinad ay ka saacidi doonto in dowlad itoobiya aqbasho codsigooda sidoo kalana ay uga guuleeysan karaan dowlada Jabuuti oo masaafo ahaan aad uga fog.

Dowlada jabuuti weli kama hadlin arinka lakin Arbacadii lasoo dhaafay ayeey warqad u dirtay safaarada dalkeeda ay ku leedahay Itoobiya si arintan ay uga wada xaajoodaan.

Marka lagasoo tago Dhoofinta shidaalka laga helay dowlad degaanka somalida dowlada Federalka somalia wax hadal ah kama dhihin maa daama halka shidaalka laga helay eey shacbiga soomaaliyeed u rumeeysanyihiin ineey tahay Qeeyb kamid ah dhulkooda.

Email: info@mareeg.com

Xafiiska Hargeesa

By Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com