Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Gurmadkii Ugu Horreeyey Gaarsiiyey Puntland

Read Time:1 Minute, 29 Second

Garowe, Mareeg.com: Labo diyaaradood oo sida gargaarka dawo iyo cunno isugu jira oo kala yimid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa manta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Gargaarka ka yimid dalka Jabuuti oo garayey 23 tan ayaa isugu jira daawo, dhar iyo cunto, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay waxyeellaysay duufaanta ku dhufatay deegaanno hoos taga maamulka Puntland.

Gurmadka ka yimid dalka Itoobiya oo saarnaa diyaarad milatari, wuxuu ahaa 5 tan, waxaana wehliyay injineero qiimeyn ku sameyn doona waddada ay goysay duufaanta, maadaama Itoobiya ay sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso dhismaha waddada sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Ilkojiir.

Madaxweyaha maamulka Puntland Cabdiraxman Faroole, xubno ka mida wasiiradda iyo gudiga loo magacaabay gurmadka dadka tabaaleysan ayaa Garoonka ku soo dhoweeyay xubnaha waday taakuladda.

Madaxweyne Farole waxa uu u mahadceliyay dowladda Ethiopia iyo Jabuuti sida ay ugu soo gurmadeen deriskooda dhibataadu haleeshay, waxana ay gacana ka gaysan doonaan qiimaynta garoonka iyo weliba halkii buundadu ka jabtay.

Faroole waxa uu sheegay inay wali sugayaan gurmad kale oo beesha caalamka ka imaanaysa, wuxuna tilmaamay dowlada Puntland inay ka go’an tahay sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee u baahan in la caawiyo.

Anthony Michel oo ka socday dowladda Jabuuti ayaa Puntland uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay musibadan isagoo sidoo kale xusay inay diyaar u yihiin markasta tageero la garab taaganyihiin.

Qunsulka Itoobiya ee Puntland Asmalashoo dhankiisa hadlayay ayaa sheegay dowlada Itoobiya inay dhankeeda ka qayb galayso gurmadka loogu jiro dadka tabaalaysan, wuxuna sheegay inay soo gaarsiin doonan diyaarad kale oo gurmad sida.

Asmalash ayaa sheegay iney diyaaradda kaalmada keentay la socdaa saddex Injineer oo Itoobiya ka socda oo qiimayn kusoo samayn doona wadadii go’day.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ka badan 500 oo qoys inay ku cayroobeen dufaantii dhacday iyo roobabkii watay barafka.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %