Kinshada – (Mareeg.com): Jabhadda M23 ee ka dagaallami jirtay Jamhuuriyadda Dimququraadiga ah ee Koongo ayaa ku dhawaqday iney joojisay dagaalkii ay kula jirtay ciidamada dowladda kadib markii bilihii la dhaafay ay la kulantay guul darro xoog leh, dowladduna ku dhawaaqday iney jabhadaas ka guuleysatay.
Hoggaamiyaha Ururkaas Bertrand Bisimwa ayaa ugu baaqey madaxda militeriga ee ururkiisa inay u diyaar garooban inay hubka dhigaan.
Hoggaamiye Bertrand Bisimwa ayaa ugu baaqay madaxda militeriga jabhaddiisa inay u diyaar garoobaan inay hubka dhigaan ayna joojiyaan dagaalladii ay kula jireen dowladda Congo.
Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqday inay ka guulaysatay fallaagada M23.
Dowladda ayaa sheegtay inay qabsatay goobihii ugu dambeyay ee fallaagadu haysteen bariga dalkaas.
Afhayeen dowladda Koongo, Lambert Mende ayaa sheegay in maleeshiyadii jabhadda ay qaarkood is-dhiiban halka kuwo kalena ay ka tallaabeen xadka ay wadaagaan Koongo iyo dalka ay dariska yihiin ee Uganda.
Afhayeen u hadlay dowladda, Lambert Mende, ayaa sheegay in ciidankii fallagada ay isdhiibeen ama ay xadka Ugaandha ka tallaabeen.
Hoggaamiyaha ururka M23 ayaa ku dhawaaqay inay soo afjarayaan fallaagonimada.
Ururka M23 ayaa sheegay inaan laga adkaan, laakin ay go’aansadeen in aanay sii wadin dagaalka.
Madaxweynayaal ka socda gobolka ayaa ku shiraya Koonfur Afrika iyagoo ka hadlayo xal u helidda dhibaatada Kongo, waxeyna ugu baaqeen ururka M23 inay joojiyaan kacdoonka ay ka wadaan bariga dalkaas.
Madaxda dowladaha ku bahoobay harooyinka waaweyn ayaa sheegay in heshiis xabad joojin ah la saxiixi doono muddo shan maalmood gudahood ah.
Jabhadda M23 oo bilowgii sanadkaan qabsatay magaalooyin bada oo ku yaalla dalka Congo ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay ciidamada dowladda Congo iyo nabd ilaaliyaasha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalkaas.
Mareeg.com