Jabhadaha Kacdoonka Suuriya oo soo riday diyaarad uu leeyahay nidaamka Bashaar Alasad (Sawirro)

Mareeg.com: Kooxaha kacdoonka hubeysan ka wada dalka Suuriya ayaa maanta soo riday diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah oo uu lahaa nidaamka Bashaar Al-asad, sida ay baahisay Alarabiya.net.

Guutada Alxaq ee gobolka Idlib ayaa sheegatay iney dhulka soo dhigtay diyaaraddaas oo barmiilo qaraxyo ku garaaceysay deegaanka loo yaqaano Jabal Zaawiya oo ka tirsan Idlib.

Kooxaha Kacdooka ayaa gacanta ku dhigay duuliyihii diyaaradda iyo 4 kale, oo ay qaarkood dileen, islamarkaana soo saareen muuqaalka dilka oo lagu fulinayo rasaas iyo burburka diyaaradda.

Dhanka kale, TV-ga dalka Syria ayaa sheegay in diyaarad dowladdu leedahay ay burburtay kadib markii ay u soo dhacday cillad haleeshay.

Dalka Suuriya ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya nidaamnka Bashaar Al-asad iyo jabhado isugu jira kuwa Islaamiyiin ah iyo kooxo kale.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245