Jaamacadaha dalka waxaa ka tayo badan Dugsiyada Dhexe ee Dowlada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jaamacadaha dalka waxaa ka tayo badan Dugsiyada Dhexe ee Dowlada

Muqdisho ( Mareeg)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bile Nuur ayaa waxa uu sheegay in Jaamacadaha tirada badan ee ka jira dalka ay tayo ahaan ka hooseeyaan Dugsiyada Dhexe ee waddanka.

Waxa uu sheegay in Jaamacadaha faraha badan ee waddanka aanu jirin wax cilmi ah oo laga korarsado ayna dhaanto in jiilka wax ka barto la baro farsamada gacanta maadaama waxbarashada jaamacaduhu yihiin kuwa aan wax ku ool ahayn.

Sidoo kale Cabdullaahi Bile Nuur oo hadalkaan ka jeedinayay Munaasabad xaeriga looga jarayay Waxbarashada Dadban oo ku dhawaad 200 Arday Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’ad Waxbarasho iska kaashanayaan oo laga hirgalayay Magaalada Muqdisho ayaa qeexay in Jaamacadaha dalka Tayadooda iyo tiradooda ay yihiin kaaf iyo kala dheeri.

Dhawaan ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu ku eedeeyay dalladaha Waxbarashada in aan waxba laga faa’idin ee ay Ardayda ku marin habaabiyeen Manaahij kala duwan oo ku jah wareereen Ardaydu.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burka dalka hay’adaha dowladda waxa kaliya shaqeynayay Waxbarashada oo garbaha ay hayeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo u dajiyay Nidaam iyo hanaan fiican.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!