Ivory Coast oo ku guuleystay koobka Qaramada Qaarada Afrika 2015

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Xulka Ivory Coast ayaa ku guuleystay koobka Qaramada Afrika ee 2015, kaddib markii ay gool ku laad uga badiyeen xulka Ghana.

Ivory Coast ayaa ku badisay 9-8 gool ku laad, waxaana goolka guusha u dhaliyay goolhayahooda Boubacar Barry.Waa markii labaad oo ay Ivory Coast koobkan ku guuleysato, iyada oo kii ugu horeeyay qaaday sanadkii 1992-dii, markaas oo ay Ghana uga badisay gool ku laad.

Ciyaarta finalka ahayd oo aad loo sugayay ayaa 90kii daqiiqadood ee la ciyaaray aan wax gool ah labada kooxba aysan dhalin, 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaana sidoo kale goolal waa ay kala dhalin waayeen, waxayna sababtay in rigoorayaal lagu kala baxo. Waxaa halyayga Ivory Coast noqday goolhayaheeda Barry kaas oo ka badbaadiyay rigoore xulkiisa isagiina uu goolahayaha Ghana rigooradiisii ka dhaliyay.

Kulankan finalka koobka qaramada Afrika ayaa si fiican garoonka loo soo buux dhaafiyay, waxayna labada xul qaranka isku soo diyaariyeen sidii ay u hanan lahaayeen koobka qaramada Afrika ee 2015.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.