Itoobiya: Qof isqarxin doonayey oo la qabtay

Addis Ababa – Mareeg.com: Sida ay baahisay warbaahinta dalka Itoobiya, ciidamada amaanka dalkaa ayaa sheegay inay fashiliyiin weerar Alshabaab ay doonayeen inay ka geystaan caasimada dalkaasi ee Addis Ababa.

Ciidamada ka hortaga waxa loogu yeero argagixisada ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay inay xireen ruux doonayay inuu isqarxiyo, kadib howlgallo laga sameeyey caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Warka qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro kale oo ay ka geystaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayna ka hortageen ciidamada amaanka ee dalkaasi.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in Alshabaab ay doonayeen todobaadyo gudaheed inay qaraxyo kala duwan ka geystaan magaalada caasimada u ah dalkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ruuxa la qabtay uu kazoo jeedo Soomaaliya, inkastoo ciidamada amaanka Itoobiya aysan bixin faafaahin dheeraad ah.

Dhawaanahan ayaa waxaa soo baxayay cabsi laga qabo weerarro Alshabaab ka geystaan gudaha Itoobiya iyo weerar ay la beegsadaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho.

Waxaa kale oo xusid mudan in labadii qof ee isku qarxiyey baar ajaanibtu ka cuntesyo oo ku yaalla caasimadda Jabuuti uu min ka mid ah ka yimid magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245