Itoobiya oo Xudur u dirtay ciidamo Alshabaab kula dagaallama wadooyinka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Itoobiya oo Xudur u dirtay ciidamo Alshabaab kula dagaallama wadooyinka

Xudur – Mareeg.com: Ciidamo Itoobiyan oo qeyb ka ah AMISOM ayaa gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, iyagoo ka ambabaxay deegaanada xadaka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tisan maamulka degmada Xudur, ciidamadan ayaa loogu talagalay iney furaan wadooyinka ay xireen Alshabaab ee gala magaalada Xudur.

Alshabaab ayaa go’doomiyey magaalada Xudur, kadib markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxeyna ganacsatada iyo gaadiidka u diideen iney magaaladaas geeyaan wax kasta ee lagu noolaado.

Maciishada magaalada Xudur ayaa noqotay mid adag, maadaama aysan todobaadyadii tegay gaarin wax gaadiid ganacsi sida ah, waxaana halkaas loo diray ciidamo gaar ah oo la dagaallamaya kooxaha Shabaabka ka tirsan ee xayiraadda saaray magaalada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!