Itoobiya oo si kulul ugu goodisay Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Itoobiya oo si kulul ugu goodisay Alshabaab

Addis Abab – Mareeg.com: Dowladda Itoobiya ayaa si kulul ugu goodisay Alshabaab, iyadoo weli dalka Soomaaliya ay gaarayaan ciidamo ka socda dalkaas oo sheegaya iney Soomaaliya nabadeynayaan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya, Dina Mufti ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku qulqulaya Soomaaliya ay ka go’antahay iney Alshabaab kula dagaallamaan goob kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan.

Dina Mufti ayaa tilmaamay in Itoobiya Soomaaliya u dirtay ciidamo farabadan oo nabad ilaalin ah, kuwaasoo uu xusay iney la gadaalayaan Alshabaab, ilaa ay kazoo gebagebeeyaan.

“Itoobiya waxay Soomaaliya u dirtay ciidammo fara badan oo nabad ilaalin ah si ay qayb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika” ayuu yiri Dina Mufti.

“Qorshaheennu waa in aan kula dagaalanno Al-shabaab meel walba oo ay Soomaaliya ka joogaan,” ayuu sidoo kale yiri Dina Mufti.

Afhayeenku ayaa ku dooday in nabadda Soomaaliya ay tahay mid dani ay ugu jirto nabadgalyada gobolka Bariga Afrika, isagoo Al-shabaab ku tilmaamay koox kasoo horjeedda deggenaashaha gobolka oo dhan.

Alshabaab ayaa maalmahaan jeedinayey khubado ay ku sheegayaan ineysan u dabci doonin howlgalka ka dhanka ah ee la filayo iney dhawaanahan lagu qaado ee Itoobiya markaan hormuudka u tahay.

Dad badan ayaa shaki ka qaba in Itoobiya uga darto xaaladda colaadeed ee Soomaaliya, maadaama la rumeysan yahay iney leedahay dano ka badan kuwa aduunka iyo afrikada kale ka leeyihiin Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!