Mareeg Media
Somalia

Itoobiya oo sheegtay in Duqeyn ku dishay Xubno ka mid ahaa Al Shabaab

10

Taliska Militariga Dalka Itoobiya ayaa shaaciyay in Duqeyn ay ku beegsadeen Xubno ka mid ahaa Xoogaga Al Shabaab.

Bayaanka ka soo baxay Itoobiya ayaa lagu sheegay in lagu dilay 34 ka mid ahaa Al Shabaab lagu dilay Weerar circa ahaa oo ka dhacay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in 4 Gaadiid ku burburiyeen Weerarkaasi.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab.

Hadalkan ka soo yeeray Itoobiya ayaa imaanaya labo todobaad kadib markii Al Shabaab ay sheegteen in 31 ka mid ahaa Ciidanka Itoobiya ay ku dileen Qarax ka dhacay Duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Itoobiya ayaa Ciidamo waxey ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo lagula diririyo Xoogaga Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!