Itoobiya oo Qunsul cusub u soo magacaawday Puntland, lana kulmay Madaxweynaha

Read Time:34 Second

Dowladda Itoobiya ayaa qunsul Cuusb u soo magacaabatay xafiiska ay ku leedahay Magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland, iyada oo Maanta uu shaqo bilaabay.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Degnachew Yitbarek ayaa Maanta booqasho ku tegay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, isaga oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.

Puntland ayaa xiriir toos ah waxaa ay la leedahay Dowladda Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga, Ganacsiga, iyada oo sidoo ale diyaarada Shirkadda Ethiopian Airlines ay duulimaadyo toos ah ku timaado degaannada Puntland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.