Itoobiya oo loo dareeray doorashada baarlamaannada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Itoobiya oo loo dareeray doorashada baarlamaannada

Mareeg.com:- Saaka oo Axad ah (24-05-2015) waxaa dalka Ethiopia looga dareeray doorashooyinkii guud oo ay ka qeyb galayaan xisbiyo 50 kor u dhaafaya.

Waxaa lasoo dooranayaa xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka Federaaliga ah iyo kuwa dowlad goboleedayada dalkaasi Itoobiya.

Kuraasta baarlamaanka ee doorashada loo galayo ayaa gaaraya 547 kursi, Xukuumadda dalkaas ayaa sheegtay in dad ka badan 36 milyan ay codeyn doonaan.

Mucaaradka oo hadda hal kursi oo kaliya ka haysta baarlamaanka dalkaa ayaa sheegay in natiijadu iska caddahay oo xisbiga talada dalka haya ee EPRDF uu si weyn u guuleysan doono.

Mucaaradka ayaa intaas ku daray in dawladdu ay caburiso oo ay ka horjoogsato waxyaabihii ay u sahli lahaa inay baarlamaanka kuraas ka helaan.

Xisbiyo ka dhisan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna qeyb ka ah doorashadan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!