Addis Ababa – (Mareeg.com): Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in heegan balaaran la geliyay ciidamada amaanka dalkaasi, kadib markii ay heshay macluumaad ku saabsan weeraro Alshabab iyo Alqaacida ay ka fuliyaan magaalada Addis Abab ee xaruunta dalkaas.
Saraakiil ka tirsan hey’adaha amaanka ee dalka Ethiopia ayaa sheegay inuu jiro shaki ku aadan suurtagal nimada in kooxaha Shabaab iyo Alqaacida ay weerar argagixiso ka geystaan gudaha dalka Ethiopia.
Wakaalada Wararka Routers oo soo xiganeysa saraakil ka tirsan hey’adaha amaanka ee dalkaasi ayaa sheegtay iney jirto xog dheeraad ah oo ay heleen hey’adaha amaanka ee dalka Ethiopia taas oo tilmaameysa in uu jiro weerar argagixiso oo la qorsheynayo in lagu qaado magaalada Adis’ababa.
War si wada jir ah ay hey’adaha ammaanka Itoobiya uga sii daayeen telefishinka dalkaas ayaa lagu sheegay in Kooxaha Argagixisada oo taageero ka helaya dowladda Eritrea inay qorsheynayaan weeraro laga fuliyo magaalada Addis Ababa iyo magaalooyin kale.
Telefishinka ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya inay la shaqeeyaan ciidamada, waxaana si gaar ah fariin loogu diray Milkiilayaasha Hotelada inay ogaadaan dadka soo booqanaya ama degaya hoteladooda.
Hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee lagu magacaabo NISS ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso in dalkooda ku qaado weeraro aar-goosi ah.
Bishii lasoo dhaafay ayaa xaafad ka mid ah magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay qarax, kaasoo la sheegey iney ku geeriyoodeen labo Soomaali ah oo qaraxaas la beegsan rabay goob lagu daawanayey ciyaaro.
Mareeg.com