Itoobiya oo diyaar u ah iney badesho ciidamada Sierra Leone ee ka baxaya Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Itoobiya oo diyaar u ah iney badesho ciidamada Sierra Leone ee ka baxaya Soomaaliya

Mareeg.com: Dowladda Itoobiya ayaa sheegtey iney diyaar u tahay iney badesho ciidamada dalka Sierra Leone ee bilaabay iney isaga baxaan Soomaaliya, kadib markii la diiday ciidamadii badeli lahaa cudurka dalkaas ka dilaacay ee Ebola dartiis.

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dalkiisu diyaar u yahay in ay diraan ciidamadii beddeli lahaa doorkaasna qaadan karaan.

“Haddii codsi nooga yimaado Midowga Afrika, Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay diyaariso ciidamadii beddeli lahaa kuwa Sierra Leone” ayuu Raysalwasaaraha Itoobiya u sheegay warbaahinta.

Hailemariam Desalegn ayaa intaa ku darey in ciidamada dalkiisu ay horey ugu sugnaayeen Soomaaliya isla amrkaana ka hawglanaan 60% dhulka Soomaaliya!.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa dhanka kale wel-wel ka muujiyey khilaafka markasta soo noqda ee madaxda Dowladda Federaalka kaas oo raysalwasaaraha la cayriyo.

Ciidamada Sierra Leone ee Soomaaliya ku dhawaad muddo labo sano ah ayaa ka koobnaa 850 askeri kuwaas oo ka hawlgalaayey gobolka Jubada Hoose, waxaana ay ka mid ahaayeen 22,000 oo askeri oo ka socda Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in inta uu dalka Sierra Leone ka jiro cudurka Ebola aan la keeni karin askar bedel ah oo ka socota dalkaas, taasoo keentay in dalkaas go’aansado inuu la baxo ciidamadiisa.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!