Itoobiya Oo Ciidamo Xoojin Ah Gaarsiisay Gobolka Baay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Itoobiya Oo Ciidamo Xoojin Ah Gaarsiisay Gobolka Baay

Baydhabo, Mareeg.com: Ciidamo aad u hubeysan oo Ethiopian ah ayaa shaly ku laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay, halkaasoo ay horay uga baxeen kuna wareejiyeen ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Baay, Shiine Macallin Nuurow ayaa sheegay in ciidamada ay fariisin ka sameysteen koontaroolka magaalada iyo dhinaca Maanyo-fuulka, gaar ahaan agagaarka Warshaddii hore ee Xaseey ee ka soo horjeedka hotel Bakiin ee duleedka magaalada.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa horay u joogay qeyb ka tirsan gobolka Baay, hase yeeshee ciidamada gaaray magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gudaha dalka Ethiopia.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la tilmaamay iney gaari doonaan degmada Qansax-dheere oo ay horay u joogeen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah, waxaana kuwa cusub ee gobolka tagay ay u muuqataa in lagu xoojinayo kuwa horay u joogay.

Alshabaab ayaaa dhowr jeer hore go’doon geliyey ciidamada Itoobiya ee ku sugfan degmada Qansaxdheer.

Waxaa jira warar shegaya in ciidamadii Itoobiyaanka ah ee tagay Baydhabo ay qorsheynayaan iney weerarro ku qaadaan deegaano Alshabaab ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!