Itoobiya oo ciidamo geyneysa magaalada Kismaayo

Mareeg.com: Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay Soomaaliya usoo dirayso ciidamo dheeraad ah oo la geynayo magaalooyin ku yaala koofurta Soomaaliya.

War laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhiga dalkaas oo ay baahisay wakaaladda wararka ENA ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay diyaarisay ciidamo tiradoodu gaarayso 600 oo askari oo loogu talo galay inay yimaadaan magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.

Magaalooyinka ciidamada la gaynayo waxaa ka mid ah Kismaayo iyo magaalooyin kale sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ENA.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Kismaayo la geynayo ayaa badelaya ciidamadii Sierra Leone ee Soomaaliya iskaga baxay kadib markii dalkooda laga helay xanuunka Ebola.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ka jooga ciidamo gaaraya 12,000 oo askari, sida lagu sheegay warbixinta dalkaas.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245