Addis Ababa, Mareeg.com: Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay inay qabatay 5 qof oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen weerarkii lala damacsanaa ciyaartii ka dhaceysay Addis Ababa Istadiyum bartamihii bishii Oktoober ee sanadkaan.
Warbixin ay soo saareen Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in shanta qof ee hada la hayo goobtii ay ku sugnaayeen laga helay bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Booliska iyo Sirdoonka Itoobiya ayaa khamiistii sheegay in dhamaan dadkii qorsheynayay weerarkan ay Soomaali yihiin, kuwaasoo ka tirsan Al-Shabaab, kadib war murtiyeed si wada jir ah uga sii daayeen Telefishinka Qaranka Itoobiya.
13-kii Oktoober ayey labo qof oo la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro Soomaali ah ku dhinteen qarax ka dhacay gudaha guri ku yaal xaafada Bole ee magaalada Addis Ababa.
Raggan qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay inay uu ku qarxay bambaanadii ay doonayeen inay ku weeraraaan istaadiyumka Addis Ababa oo xiligaasi ciyaar ku dhexmareysay xulalka dalalka Nigeriya iyo Itoobiya, isreeb-reebka kooxaha ka qeyb galaya koobka Adduunka.
Dowlada Itoobiya ayaa bishii lasoo dhaafay ee November markale soo saartay digniin ah in ay jiraan qorshayaal ay dooneyso Al Shabaab inay weeraro la beegsato xarumo ku yaal magaalada Addis Ababa, waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka xarumaha muhiimka ah ee caasimada Itoobiya.
Mareeg.com