Itoobiya: Dagaalkii Casaa ee Warbaahinta oo dilaacay

Adds Ababa – Mareeg.com: Xukuumada Ethiopia ayaa dhalinyaro gaaraysa illaa 300 udirtay dalal ay kamid yihiin China waxa ay soo dhamaysteen tababar iyo aqoon la xiriira sidii ay hawada uga saari lahaayeen ama u blog-garayn lahaayeen webebka mucaaradka ee qora warar iyo warbixinada aysan rabin in lafaafiyo dowladda haatan talada heysa.

Sidoo kale Ethiopia aya hawada soo galiysay 3,000 oo website oo cusub kuwaasi oo ay ugu tala gashay inay faafiyaan dacaayadaha dowladda Federaalka dalkaas.

Dagaalkan ayay khuburada Geeska Afrika ee kafaaloota Arimaha Ethiopia u bixiyeen “Dagaalkii Casaa ee Warbaahinta”

Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii xukuumada Ethiopia ay qaaday talaabooyin olole ka dhan ah bahda warbaahinta dalkeeda iyo tan caalamiga ah, iyadoo xabsiyada dhigtay tiradii ugu badnayd wariyayaal ee abid la xiro halmar.

Tobaadkan horaantiisii ayay ahayd markii BBC-du ay dhaleecaysay talbaadii ay Ethiopia ku jaamgaraysay warbaahin caalami ah oo ay kid ahayd BBC-du.

Arintaan ayaa lagu macneeyey in xisbiga talada ee Ethiopia inuu ku shubto doorashada la filayo inay Ethiopia ka qabsoonto sanadka sooscoda.

Dalka Ethiopia ayaa lagu tiriyaa dalalka sida weyn loo caburiyo warbaaahinta, iyadoo ay ku kacsan yihiin jabhado, islamarkaana ay jiraan axsaab mucaarad ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245