Israel: Raysul Wasaare Benjamin Netanyahu oo laga mudaaharaaday

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Kumanaan reer Israel ah ayaa maanta oo axad ah ku debadbaxay caasimadda dalkaas ee Tel Aviv, iyagoo kasoo horjeeda siyaasadaha R/wasaarahooda, Benjamin Netanyahu.

Booliska ayaa sheegay in dadka debadbaxa dhigay ay ka badan yihii 25 kun oo ruux, halka dadkii soo qabanqabiyey ay leeyihiin waxeyba dhanyihiin labo jibaarka tirada boolisku sheegay.

Dror Ami oo ka mid ah dadkii soo qabanqaabiyey debadbaxaas ayaa warbaahinta u sheegay iney doonayaan in wax laga badelo siyaasadda Israel, islamarkaana la galo heshiiyo nabadeed.

“Xukuumadda haatan jirta waxey ku fashilantay dhinacyada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, amaankana waxba kama qaban, waxaan rajeynayaa iney xukunka kusoo laabtaan Xisbiga Garabka Bidix” ayuu yiri Dror Ami.

Debdaxbaxaan waxaa soo abaabulay koo loogu yeero “Milyan gacmood” oo u ololeysa heshiis nabadeed oo dhexmara Israel iyo Falastiin iyo in la helo dowlad madax banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.