Israel oo Marinka Gaza ku burburisay 161 Masjid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Israel oo Marinka Gaza ku burburisay 161 Masjid

Mareeg.com: Wasiirka Awqaafta Falastiin, Yousef Dois ayaa sheegay in Israel ay burburisay 161 masjid oo ku yaalla Marinka Gaza oo dhowr todobaad oo dagaal ku dhexmarayo ciidamada Israel iyo dagaalyahanada Islaamiyiinta ah ee Xamaas.

Sida ay qortay Middle East Monitor, Wasiirka ayaa sheegay in 41 masjid gebi ahaanba ciidamada Israel dhulka la simeen, halka 120 kale ay soo gaarsiiyeen burubur.

Yousef Dois ayaa sheegay in weerarada lagu burbirriyey masaajidda ay cadeyn u yihiin dagaalka Yahuuddu kula jiraan dadka Muslimiinta ah iyo diintooda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Ururuka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) iney qaadaan tilaabooyin dhab ah oo looga hortegayo dambiyada Israel ku leyneyso dadka Falastiiniyiinta ah, kuna burburineyso goobaha cibaada Musliinta.

Dagaal qaatay dhowr todobaad oo Israel ku qaadday Marinka Gaza ayaa waxaa la sheegayaa in ilaa hadda ay ku dhinteen 1,800 oo Falastiiniyiin ah iyo 66 Israeliyiin ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.