Diyaaradaha dagaalka dalka Israel ayaa axadii duqeymo u geystay labo goobo ku yaal magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Siiriya, sidaas waxaa lagu sheegay war rasmi ah oo ka baxay dowladda Ruuriya.
Sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Suuriya, duqeynta Israel ayaa beegsatay garoonka diyaaradah magaalada Dimishiq iyo deegaan lagu magacaabo Dimas.
War kasoo baxay ciidamada dalka Suuriya ayaa lagu sheegay in weerarka Israel qeyb ka yahay taageero iyo niyad dhis loo sameynayo kooxaha loogu yeeray Argagixisada.
Dowladda Suuriya ayaa labo warqadood u kala dirtay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo ka cabatay weerarka Israel.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Israel ayaa diiday iney ka hadlaan weerarka ay ku qaadeen dalka Suuriya.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.