Israel iyo Xamaas oo gentaalo is dhaafsaday & 27 Falastiiniyiin ah oo dhintay

Mareeg.com: Ciidamada cirka Israel iyo dagaalyahanada Xamaas ayaa is dhaafsanaya gentaalo, xilli ay sii xumaaneyso xaaladda colaadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.

Garabka Milateri ee Xamaas ayaa gentaalo ku riday magaalooyinka Qudus, Tel Aviv iyo Xeyfa, halka ciidamada cirka Israel ay duqeeyeen magaalada Gaza.

Dad badan oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymo xiriir ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Yahuuddu ka geysteen magaalada Gaza.

Qaza 1

Tirada falastiiniyiinta dhintay ayaa gaaraya ilaa 27, waxaana dhaawacmay ilaa 230, sida ay sheegtay Laanta Afka Carabiga ee BBC.

Gentaalaha difaaca Israel ayaa ka hortegay dhowr gentaal, kuwaasoo Xamaas ku riday magaalada Qudus oo Yahuuddu gumeysato.

Xamaas ayaa iyadu shaacisay iney gentaal ku riday magaalada Xeyfa oo ku taalla Woqooyiga Israel, waxaana magaaladaasi noqoneysaa bartaalimaadkii ugu fogaa ee Xamaas la beegsato gentaal laga riday magaalada Gaza.

Guutooyinka Qasaam oo ah garabka milateri ee Xamaas ayaa sheegay in inet gentaao ku garaaceen caasimdda dalka Israel ee Tel Aviv iyo magaalada Qudus.

“Markii ugu horreysay Guutooyinka Qasaam waxey magaalada Xeyfa ku duqeeyeen gentaal R160” ayaa lagu yiri bayaanka kazoo baxay Xamaas.

Qasaam 1

“Sidoo kale, Guutooyinka Qasaam waxey 4 gentaal oo nuuca M75 ku garaaceen magaalada Qudus ee la heysto, halka 4 gentaal oo kale oo ah nuuca M75 ay ku garaaceen magaalada Tel Aviv ” ayay sidoo kale tiri Xamaas.

Xiisadda ka dhex aloosan Xamaas iyo Israel ayaa cirka gashay kadib markii koox Falastiiniyiin ah ay afduubeen 3 dhallinyaro reer Israel ah, kadibna mar dambe medkooda la helay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245