Islaamiyiin qabsaday magaalada labaad ee Ciraaq

Mosul – Mareeg.com: Magaalada labaad ee dalka Ciraaq ee Mosul ayaa waxaa la wareegay urur Islaami ah oo ka dagaallamo dalkaas.

Ururkan ayaa lagu magacaabaa dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam oo ka kooban Suuriya, Urdun iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Ciidanka militariga iyo boliiska ayaa magaalada isaga baxay kaddib markii Islaamiyiintu ay qabsadeen xaruntii amamulka gobolka iyo dhismayasha waaweyn ee muhiimka ah.

Waxay tallabadan jab ku tahay dadaalkii dawladda ay ku dooneysay in ay dalka gacanta ku wada dhigto si ay u xadiddo dhaqdhaqaaqyada xoogaga kacdoonka wada.

Ra’iisalwasaaraha dalka Ciraaq Nuri Al-Maliki ayaa ka codsaday baarlamaanka inuu dalka ku soo rogo xaalad deg deg ah kaddib markii la qabsaday Mosul.

Dowladda Ciraaq ee ay hoggaamiyaan Shiicada ayaa dagaal kula jirto dablay Sunniyiin ah oo ka soo horjeeda.

Gudoomiyaha baarlamaanka Ciraaq, Usaama Al-najiifi ayaa sheegay in qabsashada magaalada Mosul ku timid niyad jab ku dhacay ciidamada Milateriga Ciraaq.

Dablayda ayaa horey ula wareegay dhowr magaalo oo kale oo ay ka mid tahay magaalada Falluja ee Sunniyiintu ku badan yihiin.

Dableydan oo dagaal ka wada dalka Suuriya ayaa waxey dhawaan is khilaafeen hogaamiyaha Al-qaacidda Dr. Ayman Al-dawaahir, kadib markii uu ka dalbaday iney dagaalkooda ku ekeeyaan gudaha Ciraaq, islamarkaana aysan u gudbin dalka Suuriya.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245