Iskuulo ku xirmay weeraro ay Al-Shabaab fuliyeen

Read Time:50 Second

Iskuullada Gobolka Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa albaabada loo laabay kaddib markii Macallimiintii ka howlagalayay ay ka carareen weerarrada Al-shabaab ee ku kordhay Waqooyi Bari Kenya.

Guddiga Macallimiinta Kenya ee loo soo gaabiyo TSC ayaa shaaca ka qaaday in shaqo joojintaan ay ka dhalatay Xaaladda amni ee Ismaalka Gaarisa ka jirta.

Xasan Sheekh Cali oo ku hadlayay afka Guddi ay lahaayeen Macallimiinta ayaa sheegay in waaliddiinta Gobolka ay ka codsadeen in ay carruurtooda kala baxaan iskuullada inta dowladda Kenya ay xalaad kale oo ay macallimiinta ku shaqeyn karaan ka sameyneyso.

Guddiga Macallimiinta Kenya ee TSC ayaa sheegay isbeddellada lagu sameynayo Macallimiinta in ay abuurayso kala qeybsanaan islamarkaana sahleyso in ay u gacan galaan Al-shabaab.

30 Macallin ayaa isaga cararay degaankaas kaddib markii saddex saaxiibadood ahaa ay ku dhinteen weerar ay Bishii hore Al shabaab ku qaadeen Iskuul ku yaalla agagaarka Gaarisa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa Gobol iyada oo ciidamo dheeraad ah geysay Sohdinta Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %