Isku dhac ciidan oo la sheegay in uu cadaado ka dhacay

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Nabad sugida Glamudug ayaa saakay weerar ku qaaday xarunta lagu magacaabo Badbaado oo aheed halka ay ku shiraan xildhibaanada Baralamaanka Galmudug ee dhawaan xilka ka qaaday Madaxweynaha Maamulkaasi.

Xarunta Badbaado ee la weeraray waxaa amaankeeda gacanta ku haya ciidamada booliiska Galmudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo dhaliyay qasaaro kala duwan .

Inta la xaqiijiyya hal askari ayaa ku dhintay dagaalka sadex kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, waxaana dib uga labatay halka uu dagaalku ka dhacay Ciidamada Nabad Sugida ee weerarka qaaday sida uu noo xaqiijiyay Xildhibaan katirsan Galmudug.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maalmahan kulamadooda ku yeelanayay xarunta Badbaado, waxaana maanta baaqday kulankii ay Xildhibaanada Galmudug halkaasi ku yeelan lahaayeen, waxaana arintasai sabab looga dhigay xiisada halkaasi ka jirta.

Xaalad kacsaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Cadaado oo aheed magaalo xasiloon ku caan baxday, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay ku dagaalamaan Ciidamada Galmudug ee kala taageersan Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Galmudug.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245