Iska Horimaad Xalay Ka Dhacay Xaafadda SOS Ee Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iska Horimaad Xalay Ka Dhacay Xaafadda SOS Ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho, Mareeg.com: Iska hor imaad ayaa xalay fiidkii ka dhacay agagaarka xaafadda SOS ee magaalada Mqudisho, iyadoo la maqlay rasaas iyo qaraxyo.

Iska horimaadka ayaa dhacay kadib koox ka tirsan Alshabaab weerar ku qaadeen saldhiga ay SOS ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalka ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana warar soo baxay sheegayaan in ilaa sadex qof ay ku geeriyoodeen rasaasta la is weydaarsaday, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan dad shacab ah.

Iska hor imaadka xalay ayaa kusoo beegmay kala guurka sanadkii 2013 iyo sanadka cusub ee 2014.

Alshabaab sheegay iney madaafiic ku weerareen saldhiga ugu weyn ciidamada AMISOM Muqdisho ku leeyihiin ee Xalane, inkastoo aysan jirin warar madax banana oo arrintaas xaqiijinaya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!