Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Iska horimaad maanta ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka sugnaa agagaarka Isgosyka Ex Koontarool Balcad.

Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg Online in ugu yaraan labo askari ay ku dhinteen iska horimaadka, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah Kooxdii weerarka soo qaaday.

Weli lama oga sababta ka dambeysa iska horimaadkan dhexmaray labada dhinac .

Xiriiro aan la sameynay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Dhawaan ayee aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, uu ka digay iska horimaadyada inta badan dhaca Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!