Iska-horimaad ‘Khasaaro geestay’ oo ka dhacay Deegaanka Ufurow, G/Baay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iska-horimaad ‘Khasaaro geestay’ oo ka dhacay Deegaanka Ufurow, G/Baay

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay, ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo ka dhacay Xalay Deegaanka Ufurow, oo ku yaalla meel 40Km u jirta Duleedka Degmada Diinsoor. Dagaalka ayaa yimid markii ay Ciidanka Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya & AMISOM ay Weerar ku qaadeen Deegaanka Ufurow, kaasi oo sababay Dhimashada Labo Ruux oo dhinacyada Dagaalka ka kala tirsan. Ciidanka Isbahaysiga ayaa dib uga soo baxay Deegaanka kadib Iska-caabin ay kala kulmeen Al shabaab, waxaana ay ku laabteen Degmada Diinsoor oo ay markii hore Duulaanka kasoo qaadeen. Xaaladda Deegaanka Ufurow ayaa saakay deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay isku socodka Gaadiidka & Dadweynaha, sida ay Dadka Deegaanka ay sheegeen

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!