Iska horimaad ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iska horimaadkan ayaa barqanimadii maanta Muqdisho waxuu ku dhexmaray Ciidan ilaalo u ah Gudoomiyaha Yaaqshiid & Ciidan ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Iska Hor imaadkaan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid , karaan iyo shibis halkaas oo ay uxirneyd ciidamada booliska .

Inta la ogyahay waxaa kugeeriyooday iska hor imaadkaasi hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Abkoow kaas oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed oo dhawaan degmadaasi loo magacaabay.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu yimid sida dad goob joogayaal ah ay idaacadda Risaala u sheegeen kadib markii uu doonayay in uu ka gudbo gudoomiyaha degmada Yaaqshiid isgoyska sanca dhanka wada soo aada nasiib buundo oo u xirneyd ciidamada booliska , taasina ay kabiyo diiden ciidamadi booliska ee halkaasi joogay, waxaana muran soo kala dhex galay labadii ciidan halkaasina waxa ka bilowday israsaaseynta labada ciidan.