Iska Horimaad Iyo Rasaas Xalay Laga Malqay Xaafadda Towfiiq Ee Muqdisho
Muqdisho, Mareeg.com: Iska Hor-imaad ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho.
Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii koox hubeysan weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ku leeyihiin xaafadaas, waxaana la maqlay dhowr qarax.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo aan qaadan waqti dheer, waxaana rasaasta oo muddo daqiiqado ah la maqlay u muuqatay mid ay ridayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowr saldhiga ka degan xaafadda Towfiiq ee degmada Yaakhshiid.
Mareeg.com
Comments are closed.