Iska horimaad culus oo ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iska horimaad culus oo ka dhacay Muqdisho

Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ka qarxay Isgoyska Baar ayaan ee degmada Warta Nabadda, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan militariga iyo kuwa Booliska.

Milatariga ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay ka gudbaan Koontorool halkaasi ku yaalla , laakiin waxaa uu diiday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,taasoo dhalisay in labadda dhinac ay dagaallamaan.

Goobjooge ayaa u sheegay Mareeg News in uu jiro Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Iska horimaadkaan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!